
Biyo xidheenkan oo ah midka ugu weyn Afrika, isla markaana maanta xadhiga laga jaray, ayaa la bilaabay sannadkii 2011, waxa uuna sababay ismariwaa siyaasadeed iyo muran amni iyada oo waddamada qaar ay u arkeen in Itoobiya ay xidhanayso biyihii Niilka, gaar ahaan Masar oo muddo dheer Niilka ku tiirsanayd. Qiyaastii 90% biyaha uu dalkaasi isticmaasho waxay ka yimaadaan Niilka, taas oo Masar ka dhigtay in ay mashruuca GERD u aragto khatar.
Itoobiya waxay sheegaysaa in mashruucu yahay mid loogu talagalay horumarinta gudaha iyo kobcinta dhaqaalaha, maadaama uu dhalinayo koronto badan oo dalkeedu istickaali karo iyo koronto dheeraad ah oo laga iibin karo waddamada gobolka iyada oo Addis Ababa markasta ku adkaysanaysay in ayna ku talo jirin in ay dhibaatayso nolosha dadka Masaarida.
Masar dhinaceeda waxay ku doodaysaa in mashruuca GERD uu yareyn karo biyaha gaadha dalka, taas oo saameyn ku yeelan karta beeraha iyo bulshooyinka ku tiirsan wabiga. Waxa kale oo ay ku doodaysa in Itoobiya ka baxday heshiisyo hore oo waddamada uu maro wabiga Niilku is afgarad kaga gaadheen isticmaalka biyaha wabiga.
Xafladda furitaanka biyo xidheenka ee maanta waxaa lagu casuumay madax ka socday dalal badan oo gobolka iyo qaarada ah, oo ay ku jiraan hoggaamiyayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti oo xidhiidh saaxiibtinimo oo dhaw la leh Qaahira, taasi oo ay Addis Ababa ay uga faa’iidaysatay in Masar loo diro sawir muujinaya in madaxda qaaradu ay isku raacsanyihiin faa’iidada biyo xidheenka, isla markaana ay garabtaaganyihiin.
Dalka Itoobiya waxa ilaa xalay ka socday dabbaaldegyo is daba joog ah iyada oo khadka internetku uu maanta bilaashyahay, dhismaha biyo xidheenka ayaa ah waxa kali ah ee mideeya shucuubaha Itoobiya mucaarad iyo muxaafad, hadaba furitaankiisa ayaa muujinaya in Itoobiya ay ku adkaatay dagaalkii siyaasadeed ee uu biyo xidheenku sababay kaasi oo mararka qaar ku dhawaaday in uu isku badalo dagaal dhab ah oo dhexmara waddamada Masar iyo Itoobiya.
Waxa indhaha lagu hayaa sida uu noqon doono xidhiidhka Addis Ababa iyo Qaahira sannadaha soo socda, isbadalka dhaqaale ee uu biyo xidheenku u horseedi doono Itoobiya iyo haddii biyaha Niilka ee gaadha dalka Masar ay yaraan doonaan.