10.8 C
London
Monday, October 6, 2025

Kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo la shaaciyay xiliga uu Furmayo

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, September 13, 2025 (HOL) – Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaaciyay in kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka Federaalka uu si rasmi ah u furmi doono maalinta Sabtida ah, 20-ka bisha September 2025.

War qoraal ah oo si wadajir ah uga soo baxay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa lagu sheegay in xildhibaanada labada Aqal lagu wargelinayo in ay ka soo qeybgalaan fadhiga furitaanka si rasmi ah, loogana baahan yahay in ay diyaar ahaadaan waqtiga loogu talagalay.

Kalfadhigan cusub ayaa kusoo beegmaya xilli dalka uu wajahayo xaalado siyaasadeed, amni, iyo dhaqaale oo muhiim ah, waxaana la filayaa in ajandayaasha horyaalla Baarlamaanka ay ka mid noqon doonaan, Ka doodista iyo ansixinta sharciyo muhiim ah oo la xiriira amniga iyo maaliyadda, Kormeerka hay’adaha dowladda iyo dabagalka miisaaniyadda, Warbixino laga dhageysto xukuumadda, gaar ahaan xaaladaha amni iyo arrimaha la xiriira dib-u-habeynta dastuurka iyo Doodaha ku saabsan doorashooyinka iyo hannaanka federaaleynta

Guddoonka labada Aqal ayaa ku booriyay dhammaan xildhibaanada in ay kasoo qeyb galaan kalfadhiga si looga doodo arrimo muhiim u ah mustaqbalka dalka, isla markaana looga shaqeeyo danaha shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa sidoo kale la xasuusiyay xildhibaanada in la dhowro shuruucda iyo anshaxa Baarlamaanka inta lagu guda jiro kalfadhiga.

Furitaanka kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ah mid muhiim u ah geeddi-socodka dowlad-dhiska, iyadoo shacabka Soomaaliyeed ay ka sugayaan baarlamaanka inuu dardar geliyo sharci dejinta, kormeerka xukuumadda, iyo ilaalinta danaha qaranka.

Waxaa la filayaa in munaasabadda furitaanka ay kasoo qeybgalaan madaxda sare ee dalka oo uu ka mid yahay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaaraha, xubno ka socda hay’adaha caalamiga ah, iyo marti sharaf kale.
    

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).