10.3 C
London
Monday, October 6, 2025

Puntland oo gacanta ku dhigtay labo nin oo Itoobiyaan oo la sheegay inay katirsan yihiin Daacish

- Advertisement -spot_imgspot_img
Talaado, September 9, 2025 (HOL) – Ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa maanta gacanta ku dhigay laba nin lagu tuhunsan yahay inay yihiin xubno ka tirsan kooxda Daacish, kuwaas oo isku dayey inay si qarsoodi ah uga soo galaan magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Labadan nin oo u dhashay dalka Itoobiyaa, midkoodna uu ku hadli karo Afka Soomaaliga ayaa waxa ay sheegeen inay ka carareen kooxda ISIS. Labaduba waxa ay wateen cunto qalalan iyo biyo, taasoo muujinaysa sida ay Booliisku sheegeen inay qorsheysteen safar.

Dadka u dagaalamaya Daacish ayaa waxaa ku jira tiro badan oo kasoo jeeda dalka Itoobiyaan ah, kuwaaas oo markii hore Puntland kusoo galay qaab qaxootinimo ah, iyagoo markii dambena ku biiray Daacish.

Qabashadan labadan nin ayaa imaaneysa iyadoo ciidamada Puntland ay wadaan howlgallo joogto ah oo ka dhan ah kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaya buuraleyda Calmiskaad, kuwaas oo isku dayaya inay gabbaad ka dhigtaan godad oo ku dhow Boosaaso.

Dhawaan, Boliiska Puntland ayaa sheegay inay jiraan firxadyo ka tirsan kooxda Daacish oo laga yaabo inay isku dayaan inay ku dhex dhuuntaan shacabka, iyagoo ka faa’iideysanaya jabka ku dhacay.

Ciidanka Booliska Puntland wuxuu ku wargeliyay shacabka Boosaso iyo degaanada ku xeeran, in qof kasta oo arka ama maqla cid looga shakisan yahay inay xiriir la leedahay Daacish ay si degdeg ah ula soo xiriiraan ciidanka booliska Dowladda Puntland.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).