
Laba wiil ayaa mid ka mid ah la xaqiijiyay inuu u dhintay rasaas burcada si bareer ah ugu dhufteen halka midka kalana uu soo gaaray dhaawac culus, sida ay warbaahinta gudaha u sheegeen qof ka mid ah ehelka wiilka dhintay.
Dhacdadaan dilka iyo dhaawaca ayaa si gaar ah uga dhacday nawaaxiga tuulada Helekilyo oo dhanka Waqooyi bari kaga beegan Baledweyne ilaa 4 KM.
Burcada dilka iyo dhaawaca geystay ayaa la soo wariyay iney isaga baxsadeen goobta ay falkaan ka geysteen, mana jirto wali wax war ah oo kasoo baxay dhanka laamaha amaanka degmada Baledweyne.
“Labada wiil ee midna la dilay midna la dhaawaca waxay wateen Gaari Dameero ku rarna Bal oo ay u soo wateen Suuqyada balka lagu iibiyo ee magaalada Baledweyne, waxaana wada u galay burcad dooneysay iney dhac u geystaan” ayuu yiri qof ka mid ah ehelka Wiilka la dilay..
Si kastaba ha ahaate dhacdadaan ayaa kusoo aadeysa, iyadoo mudooyinkii dambe ay si aad ah ugu kordhayeen gudaha magaalada Baledweyne falalka amni daro oo ay geysanayaan burcad hubeysan oo dadka shacabka ah ka dhacaya taleefanada gacanta lagu qaato iyo waxyaabahii kale op ay u arkaan kuwa muhiim ah.