11.7 C
London
Monday, October 6, 2025

Somaliland: Saddex Carruur ah oo Ku Dhintay Guri Ku Gubtay Magaalada Burco

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Isniin, September 8, 2025 (HOL) – Saddex carruur ah oo walaalo ah ayaa ku nafwaayay dab ka kacay guri ku yaalla magaalada Burco, caasimadda gobolka Togdheer ee Somaliland.

Dabkan ayaa ka qarxay abbaaro 1:00 duhurnimo Isniintii, guriga oo ku yaallay xaafadda Jarmalka ee magaalada Burco, halkaas oo carruurtu ay waalidkood kula noolayeen.

“Halkaan ayaan fadhiyay, aqalka dhinaciisa, dabkana waan uriyay oo waan ku cararay. Wallaahi waxba lagama qaban karin, dab-damiskuna xilli dambe ayuu noo yimid. Cid gubtay ma garanayno, carruurtu haddii ay is gubeen mooyaan, ilaa saddex saacadood ayay gubanayeen,” ayay tidhi haweenay goobjoog ah oo u warrantay Galaydh TV.

Goobjoogayaal kale ayaa sheegay in hooyada saddexda carruur ah ay guriga kaga tagtay carruurta yar yar oo ahaa laba wiil iyo hal gabadh, si ay usoo qaadato telefoon ay gaysay dukaan ku dhow si ay usoo dabaysato, balse intii ay maqneyd uu dabku guriga qabsaday.

Dadku waxay sheegeen in mid ka mid ah carruurta uu guriga ku dhex shuf beelay, halka labada kale lasoo saaray iyaga oo dhaawac culus qaba, balse markii dambe si degdeg ah ugu geeriyoodeen dhaawacyadii dabka ka soo gaadhay.

Shacabka goobta ku sugnaa ayaa si gaar ah cabasho uga muujiyay adeegga dab-damiska magaalada, iyagoo sheegay in aanu gaadhin goobaha marka loo baahdo, maadaama inta badan ay ciidamadu fadhiyaan hal meel oo gaar ah.

Waxay intaas ku dareen in tani aanay ahayn dhacdadii ugu horreysay ee noocan oo kale ah, balse ay hore xaafaddan uga dhaceen dabab kale oo khasaare geystay.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).