11.7 C
London
Monday, October 6, 2025

Wasiirka Maaliyadda Puntland: Shaqaalaha mushaarkooda waxaa nooga muhiimsan waddooyinka la dhisayo

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Axad, September 7, 2025 (HOL) – Wasiirka maaliyadda Dowlad Goboleedka Puntland Maxamed Faarax Maxamuud ayaa sheegay hadal ka careysiiyay shaqaalaha rayidka ah ee Puntland, kaddib markii uu sheegay in dhismayaasha waddooyinka ay ka muhiisan yihiin shaqaalaha mushaarkooda.

“Shaqaalaha mushaarkooda waddadaa nooga muhiimsan,” ayuu yiri wasiirku maaliyaddu.

Hadalkaan wasiirka ayaa kusoo beegmay xilli shaqaalaha Puntland aysan wax mushaar ah qaadan muddo lix bilood ah sannadkan gudihiisa, taasoo ay sii dheer tahay lacagihii gunnada ahaa oo laga goostay shaqaalaha.

Wasiirka maaliyadda oo wax laga weydiiyay ayaa sidoo kale dafiray in wax mushaar ah lagu eedeeyay wasaaradda maaliyadda, isagoo aan si fiican uga jawaab markii la weydiiyay sababta ay ciidamadu u gadoodaan.

Hadalka wasiirka Maaliyadda Puntland ayaa caro xooggan ka abuuray baraha bulshada, iyadoo qaar kamida ah shaqaalaha rayidka ah ay ku tilmaameen hadalka wasiirka mid nasiib darro ah oo muujinaya dulmiga ay dowladdu ku hayso shaqaalaha rayidka ah.

Arrimahan ayaa waxay kusoo beegmayaan, xilli muddooyinkii ugu dambeeyay ay gadood sameynayeen qaar kamid ah ciidamada amniga Puntland oo ka cabanayay mushaar la’aan.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).