16.8 C
London
Monday, October 6, 2025

Hay’adda sirdoonka Puntland oo beenisay in ay ku lug leedahay nin Hargeysa lagu dilay

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Sabti, September 6, 2025 (HOL) – Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Puntland ee PISA ayaa beenisay war maanta lagu faafiyey baraha bulshada, kuwaas oo lagu sheegay in hay’addu ay ka dambaysay geerida nin maydkiisa laga helay guri kuyaala magaalada Hargeysa ee Somaliland.

War qoraal ah oo caawa kasoo baxay hay’adda PISA ayaa lagu sheegay in hay’adaha amniga ee Puntland aysan ka shaqeynin falal lagu khaarajinayo ama wax loogu dilayo si qorshaysan.

Hay’addu waxay sheegtay in siyaasaddooda aysan ahayn inay ku xad-gudbaan xuquuqda muwaadiniinta ama madax-bannaanida maamullada dalka 

“Dowladda Puntland, gaar ahaan hay’adaha ammaanka, waxay si dhow ula shaqeeyaan hay’adaha kale ee ammaanka ee mandaqadda, oo ay ka mid tahay Somaliland. Wada-shaqeyntaas waxay ku saleysan tahay iskaashi iyo is-ixtiraam si loo sugo nabadgelyada guud ee gobolkan,” ayaa lagu yiri qoraalka hay’adda PISA.

Hay’adda waxay warkeeda ku sheegtay inay u aragto wararka lagu faafiyey baraha bulshada mid ujeedkiisu yahay kicin iyo marin-habaabin bulsho.

Si kastaba ha ahaatee, maanta ayaa maydka nin lagu magacaabi jiray Axmed Caddib laga helay hoy uu ka degenaa magaalada Hargeysa, lamana oga sababta ka dambeysa dilkiisa. 

Ninkaan ayaa lala xiriiriyay inuu xiriir la lahaa ururka Alshabaab, isla markaasna uu ka dambeeyay weerarro Alshabaab ay ka geysteen gudaha Puntland, balse, wax caddayn looma hayo eedayntaas.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).