Gudiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa maanta shahaadooyin guddoonsiiyay 14 urur siyaasadeed, kuwaas oo ay ku jiraan urur ay ku mideysan yihiin guddoomiyayaashii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.
Xisbiyada maanta la siisay shahaadooyinka ayaa sheegay inay diyaar u yihiin ka qayb galka doorashooyinka dalka ka dhacaya ee qof iyo codka ah, kadib markii ay dhawaan heshiis la qaateen madaxda dowladda Fedaraalka Soomaaliya.
Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka, Cabdikariin Axmed Xasan ayaa warbaahinta u sheegay in dhamaan la siiyay shahaadooyinka inay soo buuxiyeen shuruudihii looga baahnaa, islamarkaana lagu wareejiyay shahaadooyinka diiwaan gelinta.
“Waxaa sharaf wayn innoo ah in 14 urur aan maanta shahaado siinay oo soo buuxiyay dhammaan shuruudihii looga baahnaa waxaa kale oo qiimo noogu fadhiyo in rag badan oo siyaasiyiin ay kamid yihiin dadka maanta ururadooda ku guuleystay inay helaan urur ahaan iyo siyaasad ahaan” ayuu yiri guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Cabdikariin Axmed Xasan.
Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Cabdikariin Axmed ayaa xusay in talaabadan ay qayb ka tahay horumarinta nidaamka xisbiyada badan, taas oo muhiim u ah mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.
Si kastaba ha ahaatee Shahaado siinta Xisbiyadaan cusub ayaa kusoo aadeyso, iyadoo wali xubnaha mucaaradka ee uu hoggaaminayo Shariif Sheekh Axmed ay weli diidan yihiin hanaanka doorashooyinka qof iyo codka ah ee dowladda Fedaraalka dooneyso.
Hoos ka akhriso magacyada Ururrada maanta Shahaadada la siiyay:-
Nabadda iyo Cadaaladda.
Ururka Barwaaqo.
Ururka Horumarka iyo Midnimada.
Ururka Badbaado Bulsho.
Ururka Dimoqraadiga Dadweynaha.
Ururka Damal.
Ururka Baraaruga Qaran.
Ururka Waddaniga Soomaaliyeed.
Ururka Qaranka Dimoqraadiga.
Ururka Dimoqraadiga Soomaaliyeed.
Dhalinyarada Qaranka Soomaaliyeed.
Ururka Badbaado.
Ururka Cadaaladda iyo Dib u Dhiska Soomaaliyeed.