
Howlgaladaan ay sida wadajirka ah u fuliyeen labada ciidan ayaa ahaa mid lagu bartilmaameedsanayey xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab oo isku aruursanayay duuleedka magaalada Kismaayo.
Sarkaal ka tirsan ciidanka Daraawiishta Jubbaland ayaa warbaahinta u sheegay in howlgaladaan ay ahayeen kuwa ay ku xaqiijinayeen amniga guud ee magaalada Kismaayo iyo deegaanada ku dhadhaw.
“Howlgalka wuxuu ahaa mid qorsheysan oo lagu bartilmaameedsaday kooxaha argagixisada ee khatarta ku haya amniga Kismaayo, waxana weli socota baaritaanka ku aaddan raadinta xubnaha firxadkooda,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan Daraawiishta Jubbaland.
Sarkaalka ayaa sidoo kale sheegay iney sii wadi doonaan howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab si loo xaqiijiyo amniga guud ee magaalada Kismaayo, islamarkaana looga hortago weeraro kale.
Howlgaladaan ayaa kusoo aadaya, iyadoo Khamiistii laso dhaafay kooxda Al-shabaab tiro hoobiyeyaal ah ku weerareen saldhig ay ciidamada Mareykanka ee tababarka siiya Kumaandooska Danab oo ku taala duleedka Kismaayo.