
ah ka gaaray xulka Soomaaliya kadib markii ay 3-0 uga badiyeen kulan ka
tirsanaa isreeb-reebka Koobka Adduunka 2026.
Kulankani wuxuu ahaa mid ka tirsan wareegga todobaad ee guruubka toddobaad ee tartanka isreeb-reebka Qaaradda Afrika, waxaana Xulka Qaranka Soomaaliya ay ku han weynaayeen inay guul soo hoyaan.
Xulka Guinea oo Fursaddeeda Kor U Qaadday ayaa Guushan u kordhisay dhibcaha ilaa 10, taasoo ka dhigaysa inay hadda ku jiraan kaalinta saddexaad ee guruubka, laba dhibcoodna ay ka hooseeyaan Mozambique oo leh 12 dhibcood, iyo afar dhibcood oo u jirta Algeria oo hogaanka haysa (18 dhibcood, 7 kulan ay Ciyaareen).
Goolka koowaad waxaa Guinea u dhaliyey xiddiga Borussia Dortmund Serhou Guirassy daqiiqaddii 22-aad, halka Goolka labaad uu iska dhaliyey ciyaaryahanka Soomaaliya Faisal Omar daqiiqaddii 64-aad, Goolka saddexaadna waxaa ciyaarta kusoo xiray Ousmane Camara daqiiqaddii 90+6.
Guushii ay Guinea ka gaartay Soomaaliya waxay dib u soo noolaysay rajadoodii ka qayb-galka Koobka Adduunka ee 2026, Inkasta oo Algeria ay dhibco badan ku hogaaminayso guruubka, haddana loolanka kaalmaha sare ayaa ah mid weli furan, iyadoo kulamada soo socda ay noqon doonaan kuwo go’aamiya cida u soo baxaysa.