16.8 C
London
Monday, October 6, 2025

Howlgalo ka dhan ah Al-shabaab oo laga fuliyay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Jimco, September 5, 2025 (HOL) – Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaa guutada 14-ka October ayaa howlgalo qorsheysnaa ka fuliyay saacadahii lasoo dhaafay deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose. 

Ciidanka ayaa howlgalada ku beegsaday tuulooyinka kala ah Malable, Siigaale iyo Buulo Arundi oo ah dhamaantood deegaano hoostaga deegaanka Janaale ee gobolka Shabeellaha hoose, halkaas oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab. 

Howlgaladaan ayaa waxaa hoggaaminaayay Taliyaha guutada 14-ka October Gashaanle dhexe Cabdiraxiin Maxamed Munye, kaasoo warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay in ciidamada ay cagta mariyeen maleeshiyaad kooxdu u diyaarisay inay baad ka qaadaan dadka beeraleyda ah ee ku nool tuulooyinka  howlgalada laga sameeyay.

Taliye Munye ayaa sidoo kale sheegay in howlgalada noocaan ah ay ciidamada dowladda sii wada yaan inta kooxda Al-shabaab laga saarayo guud ahaan deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolka Shabeellaha Hoose. 

Gobolka Shabeellaha Hoose waxa uu ka mid yahay gobolada ay sida xoogan ugu sugan yihiin maleeshiyaadka Al-shabaab waxaana halkaasi ciidamada xoogga dalka ay mudo dheer ka wadaan howlagalada ka dhanka kooxda Al-shabaab. 

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).