
Heshiiska ayaa la gaaray intii lagu guda jiray shirweynaha caalamiga ah ee hay’adaha isgaarsiinta (Global Symposium for Regulators GSR-25), oo ka dhacay magaalada Riyadh.
Wada-hadalladaan waxaa si rasmi ah u hoggaaminayey Mustafa Yasin Sheikh, Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Soomaaliya (NCA), iyo Haitham Alohaly, Guddoomiyaha Guddiga Isgaarsiinta, Hawada Sare iyo Teknoolojiyadda Sacuudiga (CST).
Ujeeddooyinka Iskaashigaan labada dowladood ayaa saldhig u ah isla wadaagista khibradaha iyo aqoonta ku saabsan maamulka teknoolojiyadda casriga ah, Iswaafajinta nidaamyada sharciyeed ee lagu hago AI iyo teknoolojiyadda hawada sare iyo Horumarinta kaabeyaasha iyo la-talinta la xiriirta maalgashiga teknoolojiyadeed.
Masuuliyiinta labada dal waxay sheegeen in iskaashigan uu noqon doono mid sal u dhiga kobaca mas’uuliyadda leh ee dhinacyada sirdoonka macmalka iyo hawada sare, taasoo albaab u fureysa wadashaqeyn dhanka dijitaalka ah oo dheeraad ah mustaqbalka dhow iyo kan fogba.