16.8 C
London
Monday, October 6, 2025

Ganacsade Maxamed Jabuutaawi oo lagu xiray magaalada Laascaanood

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Khamiis, September 4, 2025 (HOL) – Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa xiray ganacsade Maxamed Jabuutaawi oo kamid ahaa musharaxiinta iskusoo taagay xilka madaxweynaha maamulkaas, balse looga reebay markii uu buuxin waayay sharuudaha doorashada.

Xarigiisa ayaa loo sababaynayaa inuu lahaa abaabulka dabley ka caraysan sababtii looga reebay doorashada, kuwaas oo weeraray ciidamadii sugayay amniga hoteelka ay ka dhacaysay doorashada, waxaana iska hor imaadkaas dhacayuu sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Si arrintaan xal looga gaaro, ayaa isimada dhaqanka waxay laamaha amniga ku wareejiyeen ganacsade Maxamed Jabuutaawi oo horey loogu jaray Waaran soo xiris ah, inkastoo uu markii hore ka dhego adaygay awaamiirta hay’adaha amniga kasoo baxay.

Muuqaal baraha internetka lasoo dhigay ayaa lagu arkayay odayaasha dhaqanka ee beeshiisa oo eedeysane Maxamed Jabuutaawi ku waeejinaya laamaha amniga, si uu u wajaho eedeymaha loo heysto, iyo in xal laga gaaro dadkii ku geeriyooday iska hor imaadkaadkaas, kuwaas oo la sheegay in aanan weli la aasin, khilaaf ka taagan awgeed.

Salaadiinta dhaqanka ayaa sheegay in cid kastoo dhibaato ka geysata degaanada maamulkan gacan bir ah lagusoo qaban doono, iyagoo sheegay in ay la shaqeynayaan laamaha amniga ee maamulka.

Maxamed Jabuutaawi oo ah ganacsade weyn oo ka ganacsatada Qaadka, ayaa kamid ahaa dadkii doorka weyn kasoo qaatay dhismaha maamulkii hore ee SSC Khaatumo. Sidoo kale, waa ganacsade hubaysan oo leh gaadiid dagaal iyo maleyshiyaad.

Dhinaca kale, Ciidamada Booliiska Woqooyi Bari
Soomaaliya ayaa sheegay inuu Maxamed Jabuutaawi qeyb ka yahay 7
eedaysane oo loo haysto falkan oo dhacay 29-kii Bishii August.
Booliisku
waxay sheegeen inay raadinayaan labada Eedaysane oo ay ku raad joogaan,
haddii aysan deg deg isugu dhiibin Laamaha Amaanka waxay sheegayaan
inay soo qaban doonaan.
- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).