20.1 C
London
Monday, October 6, 2025

Booliska Soomaaliyeed oo Gubay 250 Kartoon oo Daroogo ah

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Talaado, September 2, 2025 (HOL) – Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan, ayaa maanta shaaciyay in meel fagaare ah lagu gubay 250 kartoon oo daroogo ah, kuwaas oo lagu qabtay isku day sharci-darro ah oo lagu doonayay in dalka Soomaaliya lagu soo geliyo, Goobta lagu gubay daroogada ayaa ku taalla magaalada Muqdisho, iyadoo gubistu ay ku timid amar rasmi ah oo ka soo baxay Maxkamadda Gobolka Banaadir.

Intii uu socday shir jaraa’id oo uu qabtay Gaashaanle Cabdifitaax, wuxuu sheegay in daroogadan lagu soo qabtay Dekedda Muqdisho iyo Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde, xilli laga shakiyay dhaq-dhaqaaqyo lagu doonayay in lagu soo galiyo maandooriyaha dalka gudihiisa.

“Waxaa maanta meel fagaare ah lagu gubay 250 kartoon oo daroogo ah, kuwaas oo la doonayay in si sharci darro ah dalka lagu soo geliyo. Waxaa gacanta ku dhigay ciidanka ammaanka, waxaana maxkamadda gobolka Banaadir ay xukuntay in la gubo si looga hortago khatarteeda,” ayuu yiri Afhayeenka.

Sidoo kale, Afhayeenka ayaa digniin adag u diray cid kasta oo isku dayda in ay dalka soo geliso daroogo, isaga oo carrabka ku adkeeyay in la adkeeyay la socodka amniga iyo kormeerka meelaha laga soo galo dalka, sida dekedaha, garoomada, iyo xuduudaha.

Booliska Soomaaliyeed ayaa horey ugu guuleystay in ay fashiliyaan dhowr isku day oo daroogo lagu soo gelin lahaa dalka, iyadoo tallaabadan maanta la qaaday ay mar kale muujineyso sida ay ciidamada ammaanku uga go’an tahay la dagaalanka dambiyada la xiriira maandooriyeyaasha iyo badbaadinta bulshada Soomaaliyeed.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).