20.1 C
London
Monday, October 6, 2025

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Talaado, September 2, 2025 (HOL) – Wararka ka imaanaya dalka Koonfur Afrika, gaar ahaan magaalada Cape Town ayaa sheegaya in Xalay deegaanka Wesbank lagu dilay muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid ah dhalinyarada dalkaasi u shaqa tagay.

Allah u naxariiste muwaadinka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cabdifitaax Maxamuud oo loo yaqiinay Beeryare, sida warbaahinta u xaqiijiyeen xubno ka tirsan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi Koonfur Afrika.

Dilka muwaadinkan oo ka dhacay gudaha goobtiisa ganacsi ayaa waxaa geystay burcad hubeysan oo u dhalatay dalkaasi Koonfur Afrika, kuwaas oo dilka kadib si deg deg ah uga baxsaday goobta ay ku toogteen marxuumka. 

Mid ka mid ah masuuliyiinta Jaaliyadda Soomaalida ee ku nool magaalada Cape Town ayaa sheegay in dilalka joogtada ah ee lagu bartilmaameedsanayo ganacsatada Soomaaliyeed ay noqdeen kuwa sii kordhaya marba marka ka dambeysa, islamarkaana aysan weli arag cid si dhab ah uga jawaabeysa ama cadaalad u raadinaysa dhalinta Soomaaliyeed ee lagu dhibaateeyo Koonfur Afrika.

Ugu dambeyntii dilka marxuumkaan ayaa kusoo beegmaya, iyadoo maalmahii lasoo dhaafay dhowr muwaadiniin Soomaaliyeed ah lagu dilay deegaanada hoostaga Cape Town.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).