Xildhibaanada iyo masuuliyiin dhaawacyada booqday ayaa askarta uga mahadceliyay sida geesimada leh oo ay uga hortageen dhibaatada Al-shabaab la damacsaneed dadka ku nool degmada Ceeldheer.
Masuuliyiinta ayaa balan qaaday in dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed ay garab istaagi doonaan ciidanka qaranka ee sida geesinimada leh isaga difaacay kooxda Al-shabaab.
“Waxaan rabnaa inaan ugu bishaareyno qoysaskooda iyo carruurtooda in maydadka argagixisada meel la kala geeyo la la’yahay taas ayaa guul u ah Umadda Soomaaliyeed. Geesiyaasha Ciidamada Qaranka iyo kuwa xaq u dirirka deegaankana waxaan leenahay intii dhimatay Alle ha u naxariisto, inta dhaawac ahna ha u boogo dhayo” ayuu yiri Xildhibaan Yaasiin Fareey.
Ugu dambeyntii dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa sheegtay in dagaalkii shalay ka dhacay magaalada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud lagu dilay in ka badan 30 dagaalame oo ka tirsan kooxda Al-ahabaab.