10.8 C
London
Monday, October 6, 2025

FIFA oo diidi karta soo jeedinta Algeria ee ay ku doonayso inay ku martigeliso xulka Soomaaliya gudaha dalkooda

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Sabti, September 13, 2025 (HOL) – Xiriirka Kubadda Cagta Adduunka (FIFA) ayaa u muuqda inuu wiiqayo qorshayaashii xulka qaranka Algeria ka hor labadii kulan ee ugu dambeeyay ee isreeb-reebka Koobka Adduunka 2026.

Xulka Algeria uma baahna wax ka badan 3 dhibcood si ay si rasmi ah ugu soo gudbaan Koobka Adduunka ee lagu qabanayo Mareykanka 2026, waxaana la filayaa inay wajahaan xulka Qaranka Soomaaliya bisha October ee soo socota.

Sida uu sheegay bogga wararka ee “La Gazette du Fennec” ee Algeria, xiriirka kubadda cagta Algeria wuxuu qorsheeyay in kulanka xiga ee isreeb-reebka lagu ciyaaro gudaha Algeria, inkasta oo ciyaartaasi ahayd mid horey loogu qorsheeyay meel ka baxsan dalkooda, balse qorshahaasi wuu burburi karaa.

Isla warbixintaasi ayaa intaas ku dartay in FIFA laga yaabo inay soo farageliso oo ay diido soo jeedinta Algeria ee ku saabsan in ay ku martigeliso Xulka Soomaaliya gudaha dalkeedi, iyadoo laga duulayo dhinaca “cadaaladda”, gaar ahaan haddii xulka Uganda uu gudbiyo cabasho arrintaasi la xiriirta.

Waxaa xusid mudan in xulka Soomaaliya uu dhamaan kulamadiisa isreeb-reebka ku ciyaaray meel ka baxsan dalkiisa, maadaama uusan haynin garoon ay FIFA u aqoonsan tahay mid u qalma ciyaaraha heerka caalami.

Algeria ayaa haatan hoggaanka u haysa group-keeda iyadoo leh 19 dhibcood, waxayna 4 dhibcood ka sarreeyaan Uganda, oo ku jirta kaalinta labaad, iyadoo Uganda rajaynayso in Algeria ay ku dhibtooto kulanka ay la ciyaarayaan Soomaaliya ka hor inta aysan is wajahin kulanka ugu dambeeya.

Sidoo kale, xulka qaranka Masar ayaa wajahaya xaalad la mid ah, waxayna doonayaan in kulankooda ay la ciyaarayaan Djibouti lagu qabto gudaha Masar, maadaama kooxda martida ah aysan haynin garoon la oggol yahay oo ay FIFA iyo CAF aqbaleen.

Xulka Masar isaguna wuxuu si weyn ugu dhow yahay inuu u soo baxo Koobka Adduunka, iyadoo uu haatan hoggaaminayo group-kiisa isagoo leh 20 dhibcood, isagoo 5 dhibcood ka sarreeya xulka Burkina Faso oo ku jira kaalinta labaad.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).