10.3 C
London
Monday, October 6, 2025

Maraykanka oo duqayn ka dhan ah Daacish ka fuliyay tigga Baalade ee buuraha Calmiskaad

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Jimco, September 12, 2025 (HOL) – Dowladda Maraykanka ayaa duqeyn cirka ah ku qaaday ururka Daacish oo saldhigyo qarsoodi ah ku leh Togga Baalade oo katirsan buuraha Calmiskaad.

Duqeyntan oo dhacday tobankii bishaan September ayuu Maraykanku sheegay inuu la kaashaday Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoona marna xusin doorka Puntland.

Maraykanka ayaa sheegay howlgalkan in loogu talagalay in la wiiqo awoodda ISIS-Soomaaliya si aysan u sii qorsheysan una fulin weerarro halis ku ah dalka Mareykanka, ciidamadiisa iyo muwaadiniintiisa dibadda.

Marakanka wuxuu ka gaabsaday inuu bixiyo faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan ciidamada iyo qalabka la isticmaalay, si loo ilaaliyo ammaanka howlgallada.

Dhinaca kale, labo qarax ayaa shalay togga Jaceel oo katirsan calmiskaad lagula eegtay labo gaari oo ay la socdeen ciidamo katirsan Puntland.

Qaraxyadan ayaa lagusoo waramayaa inay ku dhaawacmeen askar katirsan ciidanka Puntland, lamana sheegin wax dhimasho ah. Falkaan ayaa muujinaya inay Daacish weli awood u leedahay inay ciidamada la beegsato qaraxyo bartilmaameed ah.

Maalmo ka hor saddex askari oo u ku jiro sarkaal ciidan ayay Daacish ku dishay qarax ay la eegatay gaari ay la socdeen oo marayay halka loo yaqaano Markadaan oo ku dhow tuulada Turmusaale oo ah meelihii laga xoreeyay kooxda Daacish.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).