10.3 C
London
Monday, October 6, 2025

Soomaaliya oo Golaha ammaanka QM ka hor sheegtay in Israa’iil ay ku xadgudubtay madax banaanida dalka Qatar

- Advertisement -spot_imgspot_img
Jimco, September 12, 2025 (HOL) – Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay, Abubakar Cismaan Baalle, ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka Israa’iil ay la beegsatay magaalada Doha ee dalka Qatar, isagoo ku tilmaamay weerarkaasi mid si toos ah u hanjabaya ammaanka iyo madaxbannaanida Qatar.

Isagoo ka hadlayay kulanka degdegga ah ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, Danjire Baalle wuxuu sheegay in Soomaaliya ay si buuxda uga garab taagan tahay Qatar, isla markaana ay taageersan tahay tallaabo kasta oo ay qaaddo si ay u difaacdo sarraynteeda qarannimo iyo nabadgelyadeeda gudaha.

Danjiraha ayaa sidoo kale ku eedeeyay Israa’iil in ay si ula kac ah u raacayso istaraatiijiyad ay ku ballaarinayso colaadda gobolka.

Abubakar Baalle ayaa tilmaamay in weerarka lagu qaaday xarunta wadahadallada Xamaas ee Doha uu yahay isku day cad oo lagu carqaladeynayo dadaallada diblumaasiyadeed ee loogu jiro xabbad-joojin ka hirgasha magaalada Gaza ee dhulka reer Falastiin.

Ugu dambeyn, Danjire Baalle wuxuu xasuusiyay Golaha Ammaanka in uu leeyahay masuuliyad sharci ah oo ku saabsan ilaalinta nabadda iyo amniga caalamka, wuxuuna ku baaqay in si degdeg ah oo dhab ah loogu hortago xadgudubyada Israa’iil, lana hubiyo in la ixtiraamo madax-bannaanida dowladaha iyo sharciga caalamiga ah.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).