
Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay sida ay Kenya uga go’an tahay inay si firfircoon uga qaybqaadato hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, oo hadda loo yaqaan “AUSSOM”.
Mudavadi waxa uu sheegay in hawlgalka AUSSOM uu wajahayo caqabado dhaqaale oo aad u baaxad weyn, kuwaas oo halis gelin kara howlihiisa muhiimka ah sida, Kobcinta awoodda ciidamada Soomaaliya iyo La dagaalanka argagixisada Al-Shabaab.
Wasiirka ayaa ugu baaqay beesha caalamka in ay si joogto ah u taageeraan hawlgalka, iyagoo bixinaya taageero dhaqaale iyo mid farsamo, si loo xaqiijiyo guul buuxda iyo kala wareeg amni oo lagu kalsoonaan karo.
Hadalka Wasiirka ayaa daba socota shir muhiim ah oo uu madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ku shir guddoomiyay magaalada Goba ee dalka Itoobiya, laba maalmood ka hor, Shirkaasi wuxuu diiradda saaray sidii loo heli lahaa maalgelin dheeraad ah oo lagu taageero hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.