10.3 C
London
Monday, October 6, 2025

Booliiska gobolka Mudug oo shaaciyay in gacanta lagu soo dhigay nin dilay Xaaskiisa

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Khamiis, September 11, 2025 (HOL) – Ciidamada Booliiska degmada Galdogob ee gobolka Mudug ee maamulka Puntland ayaa gacanta kusoo dhigay Faarax Xasan Aadan oo ku eedeeysan inuu dilay xaaskiisa oo lagu magacaabi jiray Samsam Maxamed Xaashi.

Dilka Marxuumad Samsam Maxamed ayaa la tilmaamay inuu ka dhashay muran dhex maray iyada iyo ninkeeda, sida ay tilmaameen qaar ka mid ah ehelada qoyskaan oo la hadlay warbaahinta gudaha.

Taliska ciidanka Booliiska gobolka Mudug ee maamulka Puntland ayaa sheegay in falka dilka ahi uu ka dhacay gudaha magaalada Galdogob, hase ahaatee  ciidamada booliiska ay si dhaqso ah uga jawaabeen dhacdadan argagaxa badan ku abuurtay dadka ku nool Galdogob.

Eedeysanaha la qabtay ayaa hada ku xiran saldhiga booliiska degmada Galdogob, waxaana la sheegay in dhawaan la horkeeni doono maxkamadda awoodda u leh kiiskan si sharciga loola tiigsado.

“Ciidanka Booliska gobolka Mudug gaar ahaan saldhigga degmada Goldogob ayaa gacanta kusoo dhigay eedeysane Faarax Xasan Aadan oo ku eedeysan dilka marxuumad Samsam Maxamed Xaashi oo ahayd xaaskiisa. Waxaa la horgeyn doonaa maxkamadda awoodda u leh,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Taliska Booliiska Gobolka Mudug ee maamulka Puntland.

Si kastaba ha ahaatee Samsam Maxamed Xaashi ayaa ahayd hooyo ninkan u dhashay todobo caruur ah, waxaana dilkeeda uu naxdin iyo murugo ku reebay guud ahaan dadka Soomaaliyeed, gaar ahaana reer Galdogob.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).