
Warqad rasmi ah oo uu ku saxiixan yahay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Maryan Maxamed Abshir, ayaa lagu sheegay in laga bilaabo 10/09/2025 la joojiyay adeeggii ay bixinayeen nootaayooyinkaas, iyadoo laga jawaabayo ku dhaqan la’aanta xeerka cusub ee Nootaayooyinka Puntland oo dhawaan kasoo baxay wasaaradda Caddaaladda.
Shaqo-joojintan ayaa saameysay nootaayooyinkii ku-meel gaarka ahaa ee shaqeynayay muddo ku meel gaar ah, kuwaas oo aan wali si buuxda u buuxin shuruudaha ku xusan xeerka cusub.
Wasaaraddu waxay sheegtay in tallaabadan ay qayb ka tahay waxay ugu yeertay dadaallada lagu tayeynayo nidaamka nootaayooyinka Puntland iyo in la hirgeliyo adeegga casriga ah habka Online ka ah ee lagu dalbanayo adeeggan.
Hay’adaha Booliiska iyo Maxkamadaha ayaa lagu wargeliyay inaysan aqbalin wax adeeg sharciyeed ah oo kasoo baxa nootaayooyinkii shaqada laga joojiyay.
Qaar kamid ah Nootaayooyinka shaqada laga joojiyay oo aan la xiriirnay ayaa sharci darro ku tilmaamay go’aanka wasaaradda Cadaaladda, iyagoo sheegay in wasaaradda adeegsanayo tallaaboouin sharci darro ah oo lagu caburinayo qaar kamid ah nootaayooyinka Puntland, iyadoo ujeeddadu tahay in suuqa laga gaaro naataayooyinka madaxa bannaan.