10.3 C
London
Monday, October 6, 2025

Puntland: Waxaan u dhaqmaynaa sidii dowlad madax bannaan inta laga gaarayo heshiis rasmi ah

- Advertisement -spot_imgspot_img

 

Arbaco, September 10, 2025 (HOL) – Puntland ayaa sheegtay inay u dhaqmayso sidii dowlad madax bannaan inta laga gaarayo heshiis ku saabsan shuruucda federaalka Soomaaliya, iyadoo dowladaha caalamka taageera Soomaaliya ay ku baaqday in ay ula macaamilaan si lamid ah dowlad madax bannaan.

Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, ayaa hadalkan jeediyay kaddib markii uu ka jawaabay dhaleeceyn uga timid Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macali Fiqi, oo ka falceliyay xaflad lagu taageerayay biyo-xireenka Itoobiya oo lagu qabtay Garowe.

Wasiir Caydiid ayaa sheegay in Soomaaliya aysan ka jirin dowlad awood u leh inay dammaanad qaaddo masiirka dalka, isgaoo sheegay Puntland in aysan cid kale u daba fadhiisan doonin arrimaheeda gudaha.

Wuxuu sheegay masuuliyiin ka tirsan dowladda federaalka, oo uu ku jiro wasiir Fiqi, inay lasoo shaqeeyeen ururrada argagixisada sida Alshabaab, sidaas darteedna aanay xaq u lahayn inay ka hadlaan arrimaha Puntland.

Maalmo ka hor, Puntland waxay si cad uga hor timid nidaamka cusub ee fiisaha online-ka ee ay hirgelisay dowladda federaalka, kaas oo looga baahan yahay ajaanibta inay internet-ka si toos ah uga codsadaan fiisaha Soomaaliya.

Wasiir Caydiid ayaa ku tilmaamay nidaamkaas “isbaaro hawada la dhigtay”, isagoo sheegay in dowladda dhexe aysan sharciyan u lahayn inay maamusho soo-gelitaanka deegaannada maamul-goboleedyada.
- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).