10.3 C
London
Monday, October 6, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay Kulan Looga Hadlayay Maalgelinta Hawlgalka (AUSSOM)

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Arbaco, September 10, 2025 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka qeyb galay kulan heer sare ah oo ka dhacay magaalada Guba ee dalka Itoobiya kaa oo diiradda lagu saaray maalgelinta Hawlgalka Taageerada iyo Xasillinta Midowga Afrika ee Soomaaliya, kaasoo beddelaya hawlgalkii hore ee ATMIS.

Kulanka ayaa si gaar ah u adkeeyey muhiimadda taageerada joogtada ah ee la siiyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo AUSSOM si loo xoojiyo guulaha laga gaaray la-dagaallanka argagixisada caalamiga ah, loona hormariyo nabadda iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika.

Waxaa kulanka goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti, Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya, William Ruto, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed iyo Guddoomiyaha Midowga Afrika.

Madaxda ayaa si wadajir ah u muujiyey muhiimadda ay leedahay in la helo maalgelin waarta oo lagu taageerayo dadaallada lagu dhisayo awooda amniga Soomaaliya, iyaga oo bogaadiyey horumarka laga sameeyey dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulanka ka jeediyey khudbad uu ku muujiyey sida Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay dhismaha ciidan qaran oo awood u leh in uu dalka amnigiisa sugo, isagoo carabka ku adkeeyey in AUSSOM ay door muhiim ah ka ciyaari doonto marxaladda kala guurka ee amniga Soomaaliya.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).