10.3 C
London
Monday, October 6, 2025

Madaxweynaha Soomaaliya oo qadka telfoonka kula hadlay amiirka Qatar kadib duqeyntii Israa’iil ee Doxa

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Arbaco, September 10, 2025 (HOL) – Madaxweynaha  Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xalay khadka taleefanka kula hadlay Amiirka Dowladda Qatar, Amiir Tamim Bin Hamad Al Thani, si uu uga tacsiyeeyo weerarkii foosha xumaa ee Israa’iil ka geysatay magaalada Doha.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa si qoto dheer ugu muujiyey Amiirka Qatar xanuunka iyo murugada shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan weerarka, isagoo caddeeyey in Soomaaliya si buuxda ula garab taagan tahay Qatar difaaca madax-bannaanideeda iyo amnigeeda qaranka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa carabka ku adkeeyey in xadgudubyada noocan oo kale ah ay si toos ah uga hor imaanayaan mabaa’diida Axdiga Qaramada Midoobay, ay khatar ku yihiin xasilloonida gobolka, isla markaana ay wiiqayaan dadaallada nabadeed ee ka socda Bariga Dhexe.

Ugu dambeyntii, Soomaaliya waxay ku biirtay beesha caalamka oo ku baaqaysa in la muujiyo is-xakameyn, la ilaaliyo sharciga caalamiga ah, lana gaaro xabbad-joojin waarta oo xaqiijisa caddaalad, nabad iyo xasillooni waarta oo ka hana-qaadda Bariga Dhexe.

Israa’iil ayaa galinkii dambe ee shalay weerartay dhismo kuyaala magaalada Doxa oo ay ku shirsanaayeen madax sare oo ka tirsan Kooxda Xamaas.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).