10.3 C
London
Monday, October 6, 2025

Dowladda Soomaaliya oo Cambaareysay weerarki duqeyn ay Israa’iil ka fulisay dalka Qatar

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Arbaco, September 10, 2025 (HOL) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay duqeymo cirka ah oo ay ciidamada Israa’iil ka fuliyeen magaalada Doha ee caasimadda dalka Qatar, halkaas oo lagu weeraray guryo ay daganaayeen dad rayid ah. 

Dowladda Soomaaliya ayaa ku tilmaantay falkaasi mid gardarro ah oo si toos ah uga hor imaanaya shuruucda caalamiga ah iyo xeerarka xuquuqda aadanaha.

Qoraal rasmi ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa lagu muujiyay walaac xooggan oo ku aaddan saameynta weerarradan ay ku yeelan karaan nabadgelyada iyo xasilloonida gobolka Khaliijka, iyadoo la sheegay in ficilkan uu yahay ku xadgudub baal marsan dhammaan heshiisyada iyo mabaadi’da caalamiga ah ee ilaalinta rayidka.

Wasaaraddu waxay ugu baaqday Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inuu si degdeg ah u farageliyo oo uu qaado tallaabooyin wax ku ool ah si loo joojiyo “falalka gardarrada ah”, loogana hortago in shacabka aan waxba galabsan ay noqdaan bartilmaameed colaadeed.

Dowladda Soomaaliya waxay sidoo kale markale caddeysay mowqifkeeda adag oo ah inay garab taagan tahay dowladda iyo shacabka walaalaha ah ee Qatar, iyadoo sheegtay in Soomaaliya ay si buuxda uga soo horjeedo dhammaan noocyada tacaddiyada iyo duullaannada sharci darrada ah ee lagula kaco dowlad madax bannaan.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).