16.8 C
London
Monday, October 6, 2025

Maamulka Gobolka Banaadir oo amar ku bixiyay in iskuulada lagu xiro Calanka Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img

 

Isniin, September 1, 2025 (HOL) – Maamulka Waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa faray dhammaan dugsiyada ku yaalla caasimadda Muqdisho inay muujiyaan calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si joogto ahna uga muuqda gudaha ama bannaanka dugsiyada.

Amarkan waxaa bixiyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), isagoo si cad u sheegay in tallaabo laga qaadi doono dugsiyada aan u hoggaansamin amarkan.

Bayaan uu soo saaray Maamulka Waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in ujeedada tallaabadan tahay in la xoojiyo waddaniyadda, anshaxa, iyo qiyamka dhalinyarada Soomaaliyeed, iyada oo la adeegsanayo astaanta qaranka ee calanka buluugga ah ee xiddigta cad leh.

Maamulka ayaa intaas ku daray in kormeerro joogto ah lagu samayn doono dugsiyada si loo xaqiijiyo in calanka si sax ah loo suray, isla markaana lagu qiimeeyo tayada adeegyada waxbarasho ee ay bixiyaan.

“Waxaan go’aansanay in dugsiyada ku yaalla Gobolka Banaadir ay waajib ku tahay in ay muujiyaan muhiimada uu leeyahay calanka Soomaaliya iyadoo la raacayo midabkiisa saxda ah, isla markaana hirgeliyaan barnaamijyo lagu kobcinayo waddaniyadda iyo anshaxa ardayda Soomaaliyeed, Si arrimahan loo xaqiijiyo, Maamulka Waxbarashada Banaadir wuxuu bilaabi doonaa kormeerro joogto ah oo lagu hubinayo in calanka Soomaaliya laga taagay dugsiyada, iyo sidoo kale lagu qiimeynayo tayada adeegyada waxbarasho ee la bixiyo.” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Agaasinka Waxbarasha Gobolka Banaadir.

Ma ahan markii ugu horreysay ee maamulka gobolka Banaadir uu soo rogo amar noocan ah – sanadkii hore, maamulka ayaa sidoo kale amar ku bixiyay in ganacsiyada magaalada Muqdisho ay goobahoodi ganacsiga suraan calanka Soomaaliya intii lagu jiray usbuuca xorriyadda oo ku beegan dhammaadka bisha Juun ilaa billowga bisha Luulyo.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).