Ilhan Omar ayaa sheegtay in talaabada ugu horreysa ee wax looga qaban karo weerarada isdaba-jooga ah ay tahay in la mamnuuco hubka culus, kuwaas oo si fudud gacanta ugu gala dadka weerarada geysta. Waxay xustay in dhibaatooyinka dhimirka iyo caafimaadka maskaxda sidoo kale ay u baahan yihiin in la xalliyo, si looga hortago in qof qaba xaalado culus uu khatar ku noqdo bulshada.
Waxay ku tilmaantay dhacdadii Minnesota mid naxdin badan, kaddib markii qof hubaysan uu weeraray dugsi, halkaas oo uu ku dilay labo arday oo salaad ku jiray, isla markaana dhaawac u geystay in ka badan 200 oo carruur ah oo wali xaalad adag ugu jira isbitaalka.
“Bulshadeena waa in aan ka shaqeynaa xalal waaweyn. Mid waa in hubka culus meesha laga saaraa, labaadna waa in dadka qaba calaamadaha cudurrada dhimirka la helo gargaar. Sidoo kale waa muhiim in qof kasta uu dareenkiisa la wadaago, haddii uu arko calaamado muujinaya khatar soo socota, si aan uga hortagno masiibo kale,” ayay tiri Ilhan Omar.
Waxay intaas ku dartay in tani aysan ahayn waqti bulshada la isku eedaynayo, balse ay tahay waqti ay dadka Minnesota iyo guud ahaan Mareykanka uga baahan yihiin midnimo iyo xalal wax ku ool ah.
Hadallada Ilhan Omar ayaa imanaya xilli dood weyn oo ku saabsan hubka culus ay ka socoto dalka Mareykanka, iyadoo weeraro isdaba joog ah oo toogasho ah ay ka dhaceen gobollo kala duwan, taas oo walaac badan ku abuurtay waalidiinta, ardayda iyo guud ahaan bulshada.