16.8 C
London
Monday, October 6, 2025

Puntland oo walaac weyn ka muujisay xaaladda siyaasadeed ee dalka

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Isniin, September 1, 2025 (HOL) – Puntland ayaa walaac xooggan ka muujisay waxay ugu yeertay jahwareerka siyaasadeed ee ka jira Soomaaliya iyo in geeddi socodka dowlad dhiska uu sii xumaaday.

Warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud (JFS) uu ku tagri falayo  heshiisyada iyo qodobbada Dastuurka, taasoo ay Puntland ku tilmaamtay mid keeni karta burbur siyaasadeed. 

Puntland waxay soo dhoweysay baaqyada kasoo baxaya Madasha samatabixinta, iyadoo ugu baaqday madaxweyne Xasan Sheikh inuu talada dhulka dhigo, si heshiis midaysan looga gaaro doorashada baarlamaanka iyo tan Madaxweynaha, waqtigaas ka horna ay muhiim  tahay in laga wada hadlo sidii uu dalku u aadi lahaa doorasho loo dhan yahay.

Bayaanka kasoo baxay Puntland waxaa lagu sheegay in muddo xileedka madaxweynuhu ku egyahay 15ka bisha May 2026. Puntland waxay geesta kale madaxweyne Xasan Sheikh uga digtay faragalinta ururada siyaasadeed ee u taagan toosinta dowladda.

Puntland waxay sidoo kale taageertay in doorashada dalka ay ku dhacdo si waafaqsan Dastuurka, waxayna ka digtay wax kaste oo khatar ku ah amniga iyo xasiloonida siyaasadda dalka. 

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).