14.7 C
London
Friday, October 31, 2025

Wasiirka Gaashandhiga Soomaaliya iyo Safiirka Mareykanka oo kawada hadlay Dagaalka Al shabaab

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Talaado, May 6, 2025 (HOL) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macalim Fiqi ayaa kulan miro dhal ah kula qaatay magaalada Muqdisho Safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Richard H. Riley, iyagoo ka wada hadlay iskaashiga amniga Soomaaliya iyo Mareykanka ee soo jireenka ah iyo xoojinta iskaashiga qotoda dheer ee labada dhinac.

Wasiirka ayaa uga mahadceliyey Safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya taageerada Mareykanka ee howlgallada ka dhanka ah kooxaha argagixisada ah ee Daacish iyo Al-Shabaab.

“Waxaan ku faraxsanahay inaan la kulmo Amb. Riley. Mareykanka ayaa weli ah saaxiibka dhinaca ammaanka ka taageera Soomaaliya, Waxaan si weyn uga mahadcelineynaa taageerada joogtada ah ay nasiiyaan waxaana rajeyneynaa inaan sare u qaadno xiriirka difaaca annaga oo iska kaashanayna dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab iyo Daacish” ayuu ku yiri qoraal uu Wasiir Fiqi soo dhigay bartiisa X.

Maalintii ugu horeysay ee uu xafiiska ka shaqa bilaabay Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macalim Fiqi ayaa ballan qaaday in uu xoojin doono wada shaqeynta kala dhaxeysa saaxiibada Soomaaliya ee dhanka ammaanka.

Dowladda Maraykanku waa saaxiibka muhiimka ah ee Soomaaliya wuxuuna bixiyaa kaalmooyin dhinacyo badan leh oo ay ka mid yihiin tababarrada, saadka, iyo taageerada hawada.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).