
Warqadaan ayaa waxaa ku qornaa liiska 24ka Xildhibaan ee fadhiyada Golaha laga hakiyay oo iskugu jira mucaarad iyo muxaafad waxaana horey ay uga sameeyeen Golaha shacabka arbushaad inuu furmi waayo fadhiga mudanayaasha.
“Markuu Arkay Labada warqadood ee sumadoodu kala tahay XGGSH/0717/B11/25, XGGSH/0720/B11/25 kuwaas oo ujeedadoodu ahayd Ka joojin fadhiyada Golaha Shacbaka sababo amni dartood iyo Talo soojeedinta iyo Dareenka qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka Wuxuu fasaxay Xubnaha Xildhibaanada Golaha Shacabka ee laga hakiyay fadhiyada Golaha Shacabka” ayaa lagu yiri qoraalka Warqada.
Xildhibaanadaan waxaa ku jira tiro Wasiiro ah oo gacan kahadal toos ah kula dhaqaaqay qaar kamid Xildhibaanada Mucaaradka ah ee ku jira Golaha Shacabka.
Xildhibaanada fadhiyada laga mamnuuceey haddana dib loogu fasaxay ayaa horey usheegay inay wadaan mooshin sharci ah kana dhan ah Guddoomiyaha Golaha Shacabka.
HALKAAN HOOSE KA AKHRSIO WARKA SAXAAFADEEDKA SOO BAXAY.








