13 C
London
Monday, October 20, 2025

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo xukun dil toogasho ah ku riday askari ka tirsanaa NISA

- Advertisement -spot_imgspot_img

 

Jimco, May 30, 2025 (HOL) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa xukun dil toogasho ah ku xukuntay Cumar Xasan Maxamuud oo ka tirsanaa NISA, oo ayey ku raad-joogaan Hay’addaha ammaanka, kaas oo lagu eedeeyey dilka Marxuum Ex- Labo Xidigle Hanad Axmed Muuse.

Sida ay dacwad oogayaasha ay sheegeen  falkaan dilka oo ka dhacay degmadda Dharkiinleey Labaatankii Bishii July ee 2024 ayaa waxaa gacan kudhiiglaha ku cadaatay inuu dilkaasi uu si bareer ah u geeystay.

Sababta Dilka ayaa aheyd muran sababay gacan ka hadal, kana dhashay Boosaneer ku yaallay wado luuq ah oo la maro, halkaasi oo uu deganaa marxuumka, eedeysanahana uu ku mari jiray Moto Fekon.

Waxaa in muddo ah socotay dooda iyo baaritaanka kiiskaan, waxaana Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka sida, ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waana laga ogolaaday.

Fadhiyo kala duwan ka dib Garsoorka Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn ku xukuntay Ex NISA Cumar Xasan Maxamuud (Baxsad) dil toogasho oo ah qisaasta Ex- Labo Xidigle Hanad Axmed Muuse, Sida uu warbaahinta u sheegay G/dhexe Muxumad Maxamed Cumar oo ka tirsan garsoorka Maxkamadda Ciidamadda Qalabka Sida.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).