10.8 C
London
Saturday, November 1, 2025

Hoggaamiyaha SSC Khaatumo oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Sabti, May 3, 2025 (HOL) – Waxaa maanta galinkii dambe soo gaaray magaalada Muqdisho wafdi uu hoggaaminaayo Hoggaamiyaha  Dowlad Goboleedka SSC-Khaatumo Cabdulqaadir Axmed Aw Cali Firdhiye, kaasoo ka mid ah madaxda lagu casuumay shirka Wadatashiga Qaranka oo todobaadkaan la filayo inuu ka furmo Muqdisho.

Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo iyo wafdigiisa ayaa waxaa si weyn ugu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho masuuliyiin ka tirsan hay’addaha kala duwan ee dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo dad shacab ah.

Firdhiye oo si kooban ula hadlay Warbaahinta ayaa xaqiijiyay inuu Muqdisho u yimid ka qeyb galka shirka Wadatashiga Qaranka oo Isniinta soo socota lagu wado inuu ka furmo muqdisho.

“Waxaan u imid Muqdisho in aan ka qeybgalo shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo markii u horeysay ay SSC-Khaatumo ka qeybgaleyso, waxaan u mahadcelinaya dhamaan masuuliyiinta iyo shacabka sida weyn inoogu soo dhaweeyay Muqdisho” Hoggaamiye Cabdulqaadir Firdhiye.

Si kastaba ha ahaatee Madaxwaynayaasha dowlad gobaleedyada; Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle ayaa la filayaa in saacadaha soo socda iyaguna soo gaaraan Muqdisho.

Madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa sidoo kale la filayaa inaysan ka qayb gali doonin shirka golaha wadatashiga qaranka, kuwaas oo la wada ogsoon yahay inuu khilaafaad siyaasadeed heerkiisu sareeyo uu kala dhaxeeya dowladda dhexe.

Ugu dambeyntii Beesha caalamka ayaa si aad ah ugu cadaadinaysa madaxada dowladda Fedaraalka iyo kuwa dowlad goboleedyada in wadahadal ku dhameeyaan khilaafyada siyaasadeed ee jira oo ay ugu waawayn yihiin isku waafaqsanaan la’aanta ka jirta wax ka badalka Dastuurka iyo Doorashooyinka dalka.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).