10.8 C
London
Saturday, November 1, 2025

Puntland: Madasha Wadatashiga kuma noqonayno xalna uma keeni karto waxyaabaha la isku hayo

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Sabti, May 3, 2025 (HOL) – Wasiir u dowlaaha Madaxtooyada Puntland, Cabdifitaax Cabdinuur, ayaa sheegay in Puntland aysan dib ugu laaban doonin shirka Wadatashiga, isagoo sheegay in loo baahan yahay wadatashi ballaaran oo aan ku ekeyn Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada oo kaliya.

Wasiir Cabdifitaax Cabdi Nuur oo la hadlay BBC Soomaali ayaa sheegay in loo baahan yahay in si siyaasadeed looga heshiiyo khilaafaadka jira, isagoo dhaliilay gogosha shirarka Wadatashiga.

“Madasha waxay Puntland ka dhaqaaqday bishii December 2022. Waxay uga dhaqaaqday waxay ahaayeen isfaham-waa ka dhashay qaabka madaxda Soomaaliya u wajahayaan hannaanka dowlad dhiska. Haddii aan Isfaham laga yeelan wax macno oo ay yeelanayso ma jirto inaan kusoo laabano madashii aanu ka dhaqaaqnay,” ayuu yiri wasiirku

Cabdi Fitaax waxa uu tilmaamay in madashaasi aysan xal u keeni karin arrimaha siyaasadeed ee la isku hayo, islamarkaana loo baahan yahay gogol ballaaran oo ay ka qaybgalayaan dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.

Wuxuu sheegay in ay ku baaqayaan in shirka Wadatashiga ee Muqdisho ka dhacaya looga doodo ajandayaasha ay soo jeediyeen Puntland iyo Beesha Caalamka, kuwaas oo taabanaya  amniga iyo siyaasad loo dhan yahay in laga gaaro doorashada.

Si kasta ha ahaatee, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shanta bisha Muqdisho ku qabanaysa shirka Wadatashiga oo la filayo inay ka maqnaandoonaan Puntland iyo Jubbaland.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).