13 C
London
Monday, October 20, 2025

Madaxweynaha Somaliland oo sheegay inuu la kulmay Madaxweynaha dalka Kenya

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Khamiis, May 29, 2025 (HOL) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, oo safar shaqo ku jooga dalka Kenya, ayaa sheegay inuu la kulmay Madaxweynaha dalka Kenya, William Ruto.

Madaxweyne Cirro oo hadal ka jeediyay munaasabad xadhigga lagaga jarayay xafiis wakiileed cusub oo ay Somaliland ka furatay magaalada Nairobi, ayaa sheegay inay isla fahmeen arrimihii ay ka wadahadleen isaga iyo Madaxweyne Ruto.

“Waxaan u mahadcelinayaa Madaxweynaha dalka Kenya, William Ruto, oo maanta si walaaltinimo iyo kalgacal leh noogu soo dhaweeyay madaxtooyada. Waxaanu ka wadahadalnay danaha labada dal, si wanaagsanna waan iskula afgaranay,” ayuu yidhi Madaxweyne Cirro.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in xidhiidh qadiimi ah oo muddo 200 sano ah soo jiray uu ka dhexeeyo Somaliland iyo Kenya, isagoo xusay in dad badan oo reer Somaliland ah ay ku nool yihiin Kenya, halka qurbajoog Kenyan ah oo lagu qiyaaso 10,000 qof ay deggan yihiin Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland ayaa markii la doortay sheegay in xukuumaddiisu xoogga saari doonto xoojinta xidhiidhka ay la leedahay dalalka gobolka, oo ay Kenya ku jirto. Sidoo kale, Kenya waxay sannado ka hor wakiil usoo magacawday Somaliland, inkasta oo xafiiskiiskeeda Hargeysa aanu si rasmi ah u hawlgelin weli.

Kadib markii Madaxweyne Cirro u safray Nairobi, dowladda Kenya ayaa soo saartay qoraallo ay ku muujinayso taageerada ay u hayso midnimada Soomaaliya, taasoo lagu fasiray inay kaga fogaaneeyso in uu khilaaf soo kala dhex galo dowladda Soomaaliya.

Marka laga yimaado xidhiidhka Soomaaliya, qaar ka mid ah falanqeeyayaasha siyaasadeed ayaa qoraallada kasoo baxay dowladda Kenya ku tilmaamay kuwo lagu raalli-gelinayo dowladda Shiinaha, oo maalgelin ballaadhan ka samaysay Soomaaliya, isla markaana ka soo horjeeda xidhiidhka Somaliland ay la leedahay Taiwan.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).