12.3 C
London
Tuesday, October 21, 2025

Hay’adaha gargaarka ee Soomaaliya ka shaqeeya oo sheegay in miisaaniyaddooda sannadkan ay hoos u dhacday 74%

- Advertisement -spot_imgspot_img

 

Talaado, May 27, 2025 (HOL) – Hay’adaha gargaarka ayaa bilaabay in ay yareeyaan ama gabi ahaanba joojiyaan adeegyada muhiimka ah ee caafimaadka, biyaha iyo fayadhowrka, taas oo halis ku ah sida ay sheegeen nolosha malaayiin Soomaali ah.

Sida lagu sheegay warbixin cusub oo uu soo saaray Xafiiska Isku-duwidda Arrimaha Bani’aadannimada ee Qaramada Midoobay (OCHA), Qorshaha Gurmadka Bani’aadannimo ee Soomaaliya ee 2025 ayaa hadda bartilmaameedsanaya kaliya 1.3 milyan oo qof, taasoo ka dhigan hoos u dhac dhan 72% marka loo eego tiradii hore ee ahayd 4.6 milyan oo qof.

OCHA waxay sheegtay in miisaaniyadda qorshaysan ee 2025 ay tahay $367 milyan, taas oo ay sheegtay inay hoos uga dhacday 74% codsigii hore ee ahaa $1.4 bilyan. OCHA waxay sheegtay in hoos u dhaca dhaqaalaha uu salka ku hayo go’aammo ay qaateen dowladaha deeq-bixiyeyaasha, gaar ahaan Mareykanka, oo joojiyay qaar ka mid ah barnaamijyadii gargaarka dibadda, oo ay ku jirto caawinta USAID.

In ka badan 2 milyan oo Soomaali ah ayaa la filayaa sida ay hay’addu sheegtay inay la kulmaan xaalado bini’aadannimo oo sii xumaanaya sannadkan.

Hay’adaha gargaarka ayaa ka digaya in hoos u dhaca ku yimid adeegyada nafaqeynta iyo daryeelka caafimaadka hooyada uu si gaar ah khatar ugu yahay haweenka uurka leh iyo kuwa nuujinaya.

Hay’adda Save the Children oo kamid ah hay’adaha ku tiirsanaa taageerada Maarykanka ayaa  horey u sheegtay dhimista gargaarka in ka badan rubuc (27%) xarumaheeda caafimaadka iyo nafaqada ee Soomaaliya.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).