12.3 C
London
Tuesday, October 21, 2025

Kenya oo sheegtay in xafiiska diblomaasiyadeed ee ay Somaliland ka furanayso Nairobi uusan oggolaansho ka haysan

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Isniin, May 26, 2025 (HOL) – Dowladda Kenya ayaa sheegtay in xafiis diblomaasiyadeed oo ay Somaliland ka furanayso magaalada Nairobi uusan haysan oggolaansho rasmi ah.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay soo dhawaynayso dib-u-casriyayn lagu sameeyay xafiiska wakiilka Somaliland ee Nairobi, balse waxa ay tilmaantay in xafiiskaas loo beddelay mid diblomaasiyadeed, taas oo aanay dowladda Kenya oggolayn maadaama aan oggolaansho laga haysan.

“Kenya waxay hoosta ka xarriiqaysaa walaaca ay ka qabto munaasabadda la qorsheeyay 27-ka May, taasoo aan oggolaansho ka haysan Wasaaradda Arrimaha Dibadda. Heerka xafiis diblomaasiyadeed ma haysan oggolaansho, lamana oggolaan karo in sidan lagu sii wado,” ayaa lagu yidhi bayaan kasoo baxay dowladda Kenya.

Kenya waxay Somaliland barbar dhigtay maamul-goboleedyada kale ee ka jira Soomaaliya, iyada oo sheegtay in xidhiidhka ay la leedahay Kenya uu yahay mid kor loogu qaadayo ganacsiga iyo ammaanka, isla markaana ay ixtiraamayso madaxbannaanida iyo midnimada Soomaaliya.

Dowladda Kenya waxay si wanaagsan u soo dhoweysay dib-u-habaynta lagu sameeyay xafiiska wakiilka Somaliland, balse waxay caddeysay in aan la oggolaan karin in xafiiskaas loo dalacsiiyo heer diblomaasiyadeed.

Somaliland ayaa muddo dheer xafiis wakiileed ku lahayd dalka Kenya, halka Kenya ay horay u shaacisay inay xafiis wakiileed ka furanayso magaalada Hargeysa. Si kastaba ha ahaatee, labada xafiis midkoodna ma gaadhin heer diblomaasiyadeed.

Diidmada Kenya ayaa kusoo beegsamaysa xili uu Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, uu safar ku joogo Nairobi.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).