10.7 C
London
Tuesday, October 21, 2025

Faahfaahino kasoo baxaya dagaal culus oo maanta ka dhacay gobolka Hiiraan

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Axad, May 25, 2025 (HOL) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo maanta ku dhexmaray tuulada Galcad oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Halgan ee gobolka Hiiraan ciidanka Macawiisleeyda iyo kuwa Al-shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidanka Macawiisleeyda ay weerar ku qaadeen xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab oo afduub ugu heystay tuulada Galcad dad shacab ahaa.

Sarkaal ka tirsan ciidanka Macawiisleeyda oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay iney si awood ah kooxda Al-shabaab uga soo furteen dad shacab ahaa oo ay afduubteen, islamarkaana ay jab xoogan gaarsiiyeen kooxdu.

“Waxaan helnay xogta in kooxdu ay afduub u haysteen dadka shacabka ahaa oo baadi ay raadinayeen u galay tuulada, Alle mahadiis waan kasoo furanay dadkii ayadoo wax khasaare ah aysan soo gaarin, tuulada Galcadna haatan anaga ayaa gacanta ku hayno” ayuu yiri sarkaalka u hadlay Macawiisleeyda.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay sarkaalka in weerarka xubno badan uga dileen Al-shabaab, islamarkaana haatan wali ku howlan yihiin ciidanka Macawiisleeyda Baacsiga firxadka Al-shabaab.

Dagaalka maanta ka dhacay deegaankaan hoostaga degmada Halgan ee gobolka Hiiraan ayaa kusoo aadaya, iyadoo todobaadkii lasoo dhaafay dagaalo qaraar ay ka dhaceen deegaano ku yaala xadka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, kuwaas oo khasaare xoogan lagu gaarsiiyay Al-shabaab.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).