9.9 C
London
Wednesday, October 22, 2025

Wasaaradda Kalluumaysiga Soomaaliya oo digniin kasoo saartay xilliga baddu ay kacsantahay

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Sabti, May 24, 2025 (HOL) – Wasaaradda Kalluumeysiga  iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo saartay digniin ku saabsan xilliga ay kacsan tahay baddu kadib markii labadii maalmood ee lasoo dhaafay ay qaaday 9 Qof.

War saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda kalluumeysiga iyo dhaqaalaha Buluugga ah Waxay si rasmi ah ugu wargalisay dhammaan kalluumeysatada iyo guud ahaan dadweynaha Soomaaliyeed in lagu jiro xilli badda ay si weyn u kacsan tahay, taasoo keeni karta xaalado khatar ah oo halis gelin kara badbaadada doomaha iyo dadka ku sugan badda.

“Waxaan si gaar ah xilligaan baddu kacsantahay u digeynaa Dhammaan doomaha yaryar ee ku jira badda kuwaas oo ku hawlan kalluumaysiga iyo howlaha kale in sii joogi karin badda inta lagu jiro xilligan kacsanaanta badda, (Jiidmaal) maadaama xaaladahaasi ay sare u qaadi karaan khatarta shilalka badda iyo waxyeelada soo gaarta doomaha iyo kalluumeysatada.” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka Wasaaradda.

Sidoo kale, waxa ay ugu baaqday Dadweynaha in laga fogaado Dhaqdhaqaaqyada Xeebaha ku dhow sida dabaasha iyo in aan la agdhawaanin xeebaha xilligan, si looga hortago halista ay keeni karaan mowjadaha xooggan iyo xaaladaha cimilada oo aan degganayn.

Digniintaan waxa ay timid iyadoo labadii maalmood ee lasoo dhaafay ay Xeebta Liido baddu qaaday 9 Qof oo dhalinyaro ah kuwaasi oo damaashaad halkaasi u tagay 5 kamid ah ayaa maanta la helay 4 kale ayaa wali kumaqan badda.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).