
dalka iney u diyaar garoobaan howlgalo kooxda looga xureynaayo dhamaan
deegaanada ay kaga sugan yihiin Shabeellahha Dhexe.
“Mardhow gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa dhamaantiis laga xoreyn doonaa Khawaarijta kuwaas oo diidan horumarka dadka iyo deegaanka, Khawaarijta waxay diidan yihiin nolasha qofka Soomaaliga ah, waxay ka soo horjeedaan horumarka Soomaaliya, dadka qarxinaya Maqaaxi shacab fadhiyaan, hotel shacab leeyahay, waxay cadeyneysa sida ay diidan yihiin nolosha Soomaalida, waana dad Diinta suuban ka aradan.” Ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macalin Fiqi.
“Khawarijta markey maqleen in Cadale laga hirgalinayo xarun Dayax Gacmeed, lagana dhisayo Garoon diyaaradeed, sido kalana sahmin lagu bilaabay Shidaalka waxay xoogga soo saareen qabashada deegaanada gobolkaas, iyagoo diidan in wax horumar ah la sameeyo, lakiin mardhaw dhaamaan deegaanada gobolkaas iyo guud ahaan dalka wan ka xureyneyna”ayuu yiri Wasiir Fiqi.
Ugu dambeyntii Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa bogaadiyay guulaha ciidanka Macawiisleeyda ka gaareen howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab iyo sida ay uga go’an tahay dagaalka dalka looga xureynaayo Ururka Al-shabaab.