5.9 C
London
Friday, October 24, 2025

In ka badan 48 xubnood oo Al-shabaab looga dilay howlgal ka dhacay gobolka Jubbada Hoose

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Khamiis, May 22, 2025 (HOL) – Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Danab oo garab ka helaya kuwa Daraawiishta Jubbaland ayaa howlgal qorsheysnaa ku dilay xubno badan oo ka tirsan kooxda Al-shabaab.

Howlgalka oo si gaar ah uga dhacay duleedka deegaanka Barjala ee gobolka Jubbada Hoose ayaa la sheegay in lagu dilay in ka badan 48 xubnood oo ka tirsan kooxda, islamarkaama nolosha lagu qabtay laba xubnood.

“Howlgalkaan oo si xeeladaysan loo fuliyay ayaa lagu burburiyay fariisimo istaraatiiji ah oo kooxda Khawaarijta ay ku lahaayeen deegaankaas, kuwaas oo muhiim u ahaa isku xirka iyo dhaq-dhaqaaqyada maleeshiyaadka argagixisada, intuu socday howlgalka, waxaa la dilay in ka badan 48 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta, halka labo kalena ay ciidamada nolosha ku qabteen” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay dowladda Fedaraalka.

Waxaa sidoo kale ciidamada iskaashanaya ay gacanta ku dhigeen hub fara badan oo ay ka mid yihiin qoryaha kala ah Dhashiikaha, BKM, AK47 iyo agabyo kale oo muhiim u ahaa maleeshiyaadka Al-shabaab.

Howlgalkaan khasaaraha badan lagu gaarsiiyay Al-shabaab ayaa kusoo aadaya, iyadoo todobaadkaan ay xoogeysteen howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee ka socda qaar ka mid ah gobolada.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).