11.6 C
London
Friday, October 24, 2025

Puntland oo kaamirooyinka ammaanka ka qeyb qaata kusoo badinaysa magaalada Garowe

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Talaado, May 20, 2025 (HOL) – Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa maanta sheegay in magaalada Garowe laga hirgelinayo nidaam kaamirooyin CCTV ah oo lagu xoojinayo sugidda amniga.

Madaxweyne ku-xigeenku ayaa tilmaamay in muhiimad weyn loo arkay kaddib markii kaamirooyinku gacan ka geysteen qabashada dad loo haysto dambiyo culus oo ay kamid yihiin kufsi iyo dil, iyadoo la adeegsanayo muuqaallo ay duubeen kaamirooyinkaas.

Sida uu sheegay, madaxweyne ku xigeenka Puntland, waxaa maamulku uu durba bilowday rakibidda kaamirooyinka iyadoo la dhigay meelo istiraatiiji ah, gaar ahaan isgoysyada waaweyn ee magaalada Garowe.

Lugatoor ayaa farriin u diray ganacsatada, isagoo ku amray in ay goobahooda ganacsi ku rakibaan kaamirooyin si looga faa’iideysto marka ay dhacaan falal amni-darro, loogana jawaabo si degdeg ah.

Hadalka madaxweyne ku-xigeenka ayaa imaanaya xilli magaalada Garowe ay maalmahan la daalaa-dhaceyso falal amni-darro oo isugu jira dilal loo geysto dadka rayidka ah, kufsi iyo iska horimaadyo ciidan.

Warbixinno ay hay’adaha ammaanku soo saareen ayaa muujinaya in falalkaasi badankood ay geystaan dadka isticmaala maandooriyaha Qamriga, kuwaas oo ay kamid yihiin askar ka tirsan laamaha amniga.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).