
Wasiir u-dowlaha Madaxtooyada Puntland, Cabdifitaax Maxamed Nuur, ayaa wareysi uu siiyay BBC Somali ku xaqiijiyay dilka horjoogahan. Wasiirku wuxuu sheegay in Axmed Muuse Siciid sidoo kale uu Daacish u qaabilsanaa qorista xubnaha kooxda ee laga dhex xulanayo qabaa’ilada Puntland.
Cabdifitaax wuxuu tilmaamay in howlgalka lagu dilay horjoogahan uu ka dhacay degaanka Togga Miiraale, isagoo sheegay in ninkan muddo dheer ay hay’adaha amniga Puntland iyo kuwa caalamka raadinayeen, maaddaama uu lahaa masuuliyad muhiim ah oo khatar ku ahayd nabadgelyada gobolka.
Wasiirku wuxuu ku tilmaamay dilka Axmed Muuse Siciid inuu yahay dhabar-jab weyn oo soo gaaray Daacish, wuxuuna xusay in kooxda aysan si sahlan uga soo kaban doonin luminta horjoogahan.
Waa horjoogihii ugu sarreeyay ee Daacish ah ee la dilo tan iyo markii Puntland ay billowday hawlgalka ka dhanka ah Daacish bishii Diseembar 2024.






