
“Kulankii ugu dambeeyay ee Golaha shacabka waxa uu Guddoomiyaha uu ka jeediyay hadal walaac iyo walbahaar ku abuuray naafada Soomaaliyeed kadib markii Guddoomiyaha ku ceebeeyay mid kamid ah Xildhibanada naafanimadiisa” ayuu yiri Cabdisalaam oo wareysi siiyay BBC-da.
Waxa uu shaaca ka qaaday in tani ay horseedi karto in Xildhibaanka uusan si joogta ah u xaadiri doonin fadhiyada Golaha Shacabka waxaana uu carabka ku adkeeyay inay muddo ay hubinaayen sida Soomaaliya ay u dhowreyso xaquuqda dadka baahiyaha gaarka ah qaba.
Hadalka sida weyn uga careeysiiyay dadka baahiyaha gaarka ah qaba ayaa ahayd markii Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe uu Xildhibaan Caana Nuug uu ku yiri “Xildhibaane adiga jiis ayaad tahay ee fadhiiso”.






