
Macawiisleeyda reer Hiiraan oo labadii maalmood ee lasoo dhaafay dagaalo qaraar kula jiray Al-shabaab ayaa haatan doonaya iney kooxda ka xureeyaan degmada Aadan Yabaal oo degmo istaraatiiji ah.
Gurmadyo xoogan oo ka kala baxay degmooyinka Moqokori, Maxaas, Jalalaqsi, Buula burte iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolka Hiiraan ayaa saacadahii lasoo dhaafay gaaray duleedka degmada Aadan Yabaal oo laga dareemayo dhaqdhaqaaqii ugu dambeeyay oo ay wadaan Macawiisleeyda.
Saraakiisha hoggaamineysa ciidanka Macawiisleeyda ayaa warbaahinta gudaha u sheegay iney ka go’an tahay in kooxda Al-shabaab ay ka saaraan Aadan Yabaal oo todobaadyadii lasoo dhaafay kooxdu gacanta ku hayso.
Si kastaba ha ahaatee dadka Soomaaliyeed ayaa si gaar ah indhaha ugu haayo dagaalada qaraar ee u dhaxeeya ciidanka Macawiisleeyda Hiiraan iyo Maleeshiyaadka Al-shabaab, waxaana xusid midan in Macwiisleeyda saacadahii lasoo dhaafay guulo la taaban ka gaareen dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab.
Lasoco wixii kusoo kordha warkaan.






