7.3 C
London
Saturday, October 25, 2025

IMF oo ka digtay saameynta dhaqaale ee ka dhalan karta hoos u dhaca deeqaha dibadda ee Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Axad, May 18, 2025 (HOL) – Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) ayaa ka digtay in hoos u dhaca deeqaha caalamiga ah ee Soomaaliya la siiyo uu sababi karo saameyn dhaqaale oo daran, korodhka saboolnimada iyo cunno-yarida, hoos u dhac ku yimaada horumarka bulshada, iyo carqaladeynta dadaallada lagu dhisayo awoodda hay’adaha dowladda.

“Taageerada joogtada ah ee saaxiibada caalamiga ah, gaar ahaan marka loo eego hubanti la’aanta sare iyo halisaha dhaqaale ee muuqda, waa mid muhiim u ah hirgelinta siyaasadaha dowladda Soomaaliya,” ayaa lagu yiri bayaanka hay’adda.

Warbixin cusub oo ay IMF soo saartay ayaa lagu sheegay in saadaasha dhaqaale ee Soomaaliya ee sanadka 2025 ay weli qarisay hubanti la’aan badan, iyadoo ay sii yaraanayaan deeqaha dibadda, roobabkuna aanay joogto ahayn.

Dhinaca kale, IMF waxay sheegtay in ay Soomaaliya la gaartay heshiis heer shaqaale ah oo ku saabsan dib-u-eegistii saddexaad ee barnaamijka Kaalmada Deyn-bixinta Dheer (Extended Credit Facility – ECF).

Bayaanka ay IMF soo saartay ayaa lagu sheegay in heshiiskan uu furayo waddada lagu sii deynayo $10 milyan oo doollar, hase yeeshee lacagtaas waxaa weli ansixin doona Guddiga Sare ee IMF.

IMF waxay sidoo kale tilmaantay in dib-u-habeynta maaliyadeed ee dowladda Soomaaliya ay si tartiib ah u socoto, balse ay muhiim tahay in la xoojiyo dadaallada lagu dhisayo nidaam maaliyadeed oo hufan, si loo xasiliyo dhaqaalaha loona taageero kobaca mustaqbalka.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).