7.3 C
London
Saturday, October 25, 2025

Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya oo shaacisay waqtiga la galayo imtixaanka shahaadiga

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Sabti, May 17, 2025 (HOL) – Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday waqtiga rasmiga ah ee la qabanayo imtixaanka shahaadiga ah ee sannad-dugsiyeedka 2024/2025.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in imtixaanka la qaban doono 14-ka bisha Juun ee sannadkan, isagoo socondoona illaa 19- June.

Wasaaradda ayaa ugu baaqday dhammaan ardayda qalin-jebinaysa inay si wanaagsan ugu diyaar garoobaan imtixaanka, iyadoo xustay in isbeddel kooban lagu sameeyay maadoyinka imtixaanka lagu galayo.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in maaddada Ganacsiga lagu soo kordhiyay imtixaanka sannadkan, halka sannadkii hore lagu daray maaddada ICT, oo aan horey uga jiri jirin maaddooyinka imtixaanka

Wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta sare waxay intaas ku dartay inay dhawaan shaacin doonto shuruudaha ku waajibaya ardayda, iyo sidoo kale shuruudaha la xiriira macallimiinta iyo kormeerayaasha imtixaanka.

Imtixaanka midaysan oo ay dowladdu bilowday dhowr sano ka hor ayaa laga qabanayaa guud ahaan dalka, marka laga reebo Puntland oo leh manhaj u gaar ah, iyo Somaliland oo sheegata dowlad madax-bannaan.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).