12.5 C
London
Wednesday, October 29, 2025

Midowga Afrika oo ka fekeraya inuu yareeyo hawlgalka Taageerada iyo Xasillinta Soomaaliya (AUSSOM)

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Sabti, May 17, 2025 (HOL) – Midowga Afrika ayaa ka fekeraya inuu yareeyo hawlgalka Taageerada iyo Xasillinta Soomaaliya (AUSSOM) haddii aan si degdeg ah loo helin maalgelin lagu taageero howlgalka, xilli Soomaaliya aysan weli si buuxda ugu diyaarsaneyn in ay la wareegto amniga dalkeeda.

Sida aan kasoo xiganay warbixin lagu daabcay Crisis group, Maalgelin la’aanta howlgalka AUSSOM ayaa durba saameyn taban ku yeelatay howlgalka AUSSOM, iyadoo sidoo kale ka caraysiisay dalalka ciidamadooda ka joogaan Soomaaliya.

Golaha Ammaanka ayaa doraad ku guuldareystay inuu ansixiyo qaraar u ogolaanaya in ilaa 75% kharashaadka AUSSOM laga bixiyo miisaaniyadda Qaramada Midoobay, kaddib markii  Mareykanka uu si cad uga hor yimid maalgelintaas.

Iyadoo Mareykanka uu ka caga jiidayo taageerada, Midowga Afrika iyo saaxiibadiisa ayaan weli soo bandhigin xalal dhaqaale oo wax ku ool ah oo ka baxsan Qaraarka 2719.

Mas’uuliyiinta Midowga Afrika ayaa dadaal ugu jira in ay qabtaan shir ballanqaad dhaqaale ah oo lagu qaban doono Doha ama London si loo xoojiyo miisaaniyadda hawlgalkan, loogana hortago in Soomaaliya mar kale u nuglaato kooxaha xagjirka ah.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).