
Ciidanka Macawiisleeyda Hiiraan ayaa Xalay weerar khasaare lagu gaarsiiyay kooxda Al-shabaab ka fuliyay tuulooyin ku dhadhaw deegaanada kala ah Ceel dheer iyo Xalaalaay oo hoostaga degmada Halgan.
Sarkaal u hadlay ciidanka Macawiisleeyda ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in howlgalka ay ku dileen ilaa 4 xubnood oo ay ku jiraan horjoogayaal ka tirsan maleeshiyaadka Al-shabaab.
Sarkaalka ma uusan sheegin magacyada horjoogayaasha ay howlgalka ku dileen iyo waxa ay u qaabilsanayeen Al-shabaab, wuxuuna tilmaamay in xubnahii kale ee kooxda firxad kooda ka gudbeen wabiga Shabeelle dhanka Galbeedka.
Howlgalkaan ayaa kusoo aadaya, iyadoo mudooyinkii dambe lasoo warinaayay in dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab oo wabiga Shabelle dhanka Bariga uga soo talaabay ay soo buux dhaafiyeen deegaano hoostaga degmooyinka Buula burte iyo Halgan ee Bartamaha gobolka Hiiraan.






