5.8 C
London
Thursday, October 30, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh “Dadka Sanduuqooda siyaasadeed eber ka yahay, doorasho dadban bis ugu jirto, fadlan wax kale ka fakira”

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Arbaco, May 14, 2025 (HOL) – Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa Xalay markale cadeeyay isagoo ka hadlaayay munsaabadda daahfurka xisbi siyaasadeedka cusub ee hoggaamiyayaasha siyaasadda dowladda Fedaraalka iyo qaar kamid ah madaxda dowlad goboleedyada inaan dalka dib loogu celin doonin doorasho dadban.

Maxadaweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladiisa ka go’an tahay hirgalinta doorasho qof iyo cod ah, wuxuuna ugu baaqay siyaasiyiinta kale inaysan ku fakirin in dalka dib loogu celinaayo doorasho dadban.

“Xisbigaan wuxuu ka shaqeyn doona horumarka dalka, dadka Sanduuqooda siyaasadeed eberka yahay, doorasho dadban bis ugu jirto, fadlan wax kale ka fakira dalkaan dib uma noqonaayo inuu horay u socdo mooye” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay madaxweynaha in siyaasiyiinta mucaaradka looga baahan yahay in dalka iyo dadka Soomaaliyeed aysan ka hor istaagin Mustaqbalka wanaagsan ee muuqda.

“Koox ajande gaar ah leh dadka iyo qabiil iskuma hayn karaan, dalka waxaa isku hayn kara fikir siyaasi ah oo mustaqbal fiican laga dhex arko, isbedelkasta waa xanuun iyo cabsi badan yahay dib uma noqon karno oo masii joogi karno meeshaan 25 joognay, horaan u soconaynaa meel kaliya masii taagnaan karno” Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Hadalkaan ayuu madaxweyne Xasan Sheekh Xalay ka sheegay munaasabad lagu daahfurayay xisbi siyaasadeedka cusub oo ay ku mideysan yihiin madaxda dowladda Fedaraalka, qaar ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).